
"Maktabadda guud oo ah albaabka kuugu dhow ee aqoonta,
waxay aasaas u tahay waxbarashada qofka cimrigiisa oo dhan
iyo inuu si madaxbanaani leh go'aan u gaaro iyo weliba horumarka
dhaqanka ee qofka shakhsiga ah iyo kan bulshadaba"
UNESCO, Maktabadaha guud baaqoodda ee1994
Ku soo dhawow maktabadda! Maktabadaha guud dadka oo dhan
way u furan yihiin isticimaalkooduna waa lacag la'aan. Degmo
walba oo Finland ah waxaa ku taal maktabad guud oo la tago
si loogu akhristo joornaallada iyo buuggaagta. Sidoo kale
maktabadda alaabteeda waa ammaahan karaa, tusaale ahaan
buugaagta, cajalladaha cd -ga ama cajalladaha fiidyowga.
Maktabadda waxaaa yaalla alaab ku qoran luuqadaha waddankan
iyo luuqadaha waddamada kaleba.
Akhrintu waa farxad!
Makdabaddu waxay aqoon iyo madodaaloba siisaa dadka waaweyn
iyo carruurtaba. Maktabadda waxaad ka heleysaa aqoon ku
saabsan bulshada waddankan Finland iyo aqoon ku saabsan
waddankaaga iyo dhaqankaagaba. In aanay luuqaddaada hooyo
kaa lumin waa muhiim, akhriska ayaadna ku daryeeli kartaa.
Maktabadda waxaad ka heli kartaa waxyaabo aad akhrisato
oo afkaaga hooyo ku qoran. Markaad carruurtaada kor wax
ugu akhrididna waxaad ku daryeelaysaa aqoonta luuqaddooda
hooyo.
Maktabadda waxaa laga helaa buugaag cilmi ah iyo buugaag
sheekooyin aan dhab ahayn ku qoran yihiin, sida buugaagta
sheekooyinka dhaadheer, gabayo iyo buugaag sawiro ah. Sidoo
kale maktabadda waxaa yaalla wargeysyo, joornaallada wakhtiilayaalka
ah, buugaagta koorsooyinka luuqadaha laga barto, muusig,
filimo, qoraallo gaagaaban oo wax laga hadlayo(esitteet),
iyo daabacaado kale oo wargelimo ah. Maktabaddo badan waxaa
yaalla kombiyuutarro loogu talagalay inay dadku isticimaallaan.
Iyadoo kombiyuutaradda la isticimaalayo ayaa wixii aqoon
ah lagala soo bixi karaa Internetka, waxaad isticimaalki
kartaa e-mail-ka iyo meelaha kale ee xambaarsan macluumaadka
mishiinka ku jira (tietokanta).
Maktabadda la wada leeyahay
Waddanka Finland maktabadaha aad ayaa loo jecel yahay.
Maktabadaha degmooyinka ayaa iska leh, lacagta cashuurta
ah ee dadka laga qaado ayeyna ku shaqeeyaan. Sannad walba
lacag caawimo ah oo loogu talagalay fulinta hawlaha maktabadaha
ayey dowladdu ku taageertaa maktabadaha degmooyinka. Maktabadaha
guud mooyee, waxaa kaloo Finland ku yaalla maktabaddo badan
oo kuwa cilmiga ah. Maktabadaha cilmiga ah waxaa gaar ahaan
loogu talagalay inay u adeeggaan cilmibaarayaasha iyo ardayda,
laakiin dadka kalena way isticimaali karaan.
Nidaamka waxqabadka ee maktabadda waxaa ka mid ah sinnaan,
helitaanka fikrad madaxbanaan iyo soo bandhigidda aragtiyada
kala duduwan. Taas ayaanna sabab u ah inay maktabadda yaallaa
buugaag iyo qoraallo soo bandhigaya fikraddo kala duduwan
oo ku saabsan siyaasadda, diimaha iyo aragtiyo waxyaabo
kala duwan ku jihaysan.
Sidee maktabadda loo isticimaalaa
Maktabaduhu waxay leedahay xeerar ku saabsan isticimaalkeeda,
xeerarka waxaa laga helaa maktabadda. Xeerarku waxay sheegayaan
waxyaabaha ugu muhiimsan ee la xiriira isticimaalka maktabadda.
Akhriso xeerarka isticimaalka ee maktabadaada!
Maktabadaha waxaa ka shaqeeya dad aqoonyahanno ah oo cilmiga
maktabadaha soo bartay, shaqaalaha hawshoodu waa inay ka
jawaabaan su'aalaha dadka macaamiisha ah, ayna ka caawiyaan
waxyaabaha aqoonta ah ee ay raadinayaa.
Wax ku akhrisashada maktabadda
Qof kasta oo rabaa wuu tegi karaa maktabadda oo buugaag
ama joornaallo ayuu ku akhrisan karaa ama su'aalaha uu rabo
inuu ogaado ayuu jawaabtooda ka raadsan karaa. Xasuuso inaadan
keligaa maktabadda joogin. U ogolow dadka kale inay waxooda
si deggenaansho leh u akhristaan.
Wax ka deynsashada maktabadda
Inta badan buugaagta iyo waxyaabaha kaleba guriga waa loo
deynsan karaa. Hase ahaatee qaamuusyada waaweyn ee cilmiga
iyo jornaallada sida caadiga ah maktabadda ayaa lagu akhristaa.
Si aad wax u deynsatid waxaad u baahan tahay kaadhka maktabadda.
Kaadhkana waxaa heli kara qof walba oo Finland deggan, haddii
uu aqoonsi caddayn ah dhiibto. Carruurta laftooda waa la
siinayaa kaadhka maktabadda, haddii waalidka ama qof kale
oo qaangaar ahi bixiyo ogolaansho qoraal ah. Kaadhka maktabadda
waa in shaqaalaha la tusaa mar walba oo maktabadda wax laga
deynsanayo.
Kaadhka maktabaddu waxaa loo leeyahay shakhsi ahaan. Dadka
kale looma ogola inay isticimaalaan. Qofka kaadhka iska
leh ayaa masuul ka ah dhammaan waxyaabaha kaadhka lagu deynsaday.
Si fiican kaadhkaaga uga taxader! Si aad uga hortagto in
khalad loo isticimaalo, maktabadda markiiba u soo sheeg,
haddii kaadhku kaa lumo.
Wakhtiga deynka
Kaadhka maktabadda waa in shaqaalaha la tusaa mar walba
oo maktabadda wax laga deynsanayo. Wakhtiga deynka lala
maqnaan karaa caadiyan waa 4 toddobaad, laakiinse cajalladaha
fiidyowga iyo alaabta muusiga wakhtiga lala maqnaanayaa
intaa wuu ka yaraan karaa. Ka fiiri risiidhka ay ku qoran
tahay maalinta ugu dambaysa ee ay tahay inaad soo celiso
alaabta aad deynsatay. Haddii alaabta soo celinteeda la
soo daahdid maktabaddu waxay kaa qaadaysaa lacagta la soo
daahidda.
Maktabaduhu waa hanti dadka oo dhan ka dhaxaysa
Waxyaabaha maktabadaha yaallaa dadka oo dhan ayey ka dhexeeyaan.
Si fiican u daryeel waxyaabaha aad maktabadda ka deynsato,
nadaafadoodana ilaali. Qofka kugu xiga ee deynsadaa wuxuu
rabaa inuu buug nadiif ah akhristo. Waxyaabaha aad deynsatay
wakhti fiican ku soo celi si dadka kale ee deysanyaa ay
u helaan. Haddii wax kaadhkaaga lagu deynsaday ay lumaan
ama halaabaan, magdhowgooda ayaad bixinaysaa.
Maktabadda ajnebiga
Maktabadaha waxaa laga helaa waxyaabo ku qoran luuqadaha
waddankan iyo luuqadaha ajnebiga ahba. Hase ahaatee waxyaabaha
maktabadaha laga helaa ee degmooyinku waa ay kala duduwan
yihiin, waxayna ku xiran yihiin tirada dadka degmada deggan
iyo xaaladda luuqadaha lagaga hadlo. Maktabadaha waaweyn
waxyaabaha laga helaa wey badan yihiin.
Haddii maktabadda kuugu dhow aanay oollin buugaag luuqadaada
ku qoran ama buugta taalla ay yar yihiin, shaqaalaha weydiiso
inay ku caawiyaan. Maktabaddu waxay isku deyeysaa inay waxyaabaha
aad dalbatay kaaga keento maktabadaha waaweyn ama Maktabadda
ajnebiga.
Maktabadda ajnebigu waxay ku taallaa maktabadda magaalada
Helsinki, dowladda ayaana maalgelisa.
Maktabadda ajnebigu waxay keensataa buugaag, muusig iyo
cajallado fiidyow, haddii la soo weydiistana waxay u dirtaa
maktabadaha kale ee waddanka. Maktabadaha kale ee waddanka
oo dhan way isticimaali karaan waaxda luuqadaha ajnebiga
ee maktabada magaalada Helsinki , iyagoo alaabta taalla
ka deynsanaya. Maktabadaada weydii wixii faahfaahin ah.
Waxyaabaha yaalla maktabadda magaalada Helsinki iyo Maktabadda
ajnebiga waxaa lag a helaan Internetka macluumaadka xambaarsan
ee (HelMet-tietokanta). Cinwaankiisuna waa: http://www.helmet.fi/
Maktabadda dhaqamada kala duwan - Multicultural Labrary
(MCL)
Maktabadda dhaqamada kala duwan MCL waa adeegga www ee
dadka ajnebiga ah loogu talagalay. Halkaas waxaad ka heleysaa
macluumaad ku saabsan, tusaale ahaan waddankaaga, jornaallada
luuqadaha kala duwan ee internetka ku jira, Finland ama
maktabadahaba. Maktabadda Internet-ka leh gudeheeda ayaad
MCL ku isticimaali kartaa. Cinwaanku waa: http://www.lib.hel.fi/mcl/
|